7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Sept 29, 2023
Mareykanka oo $5 milyan ku abaalmarinaya qofkii soo sheega xogta ku xigeenka hoggaamiyaha Al-Shabaab

Jimco, September, 29, 2023 (HOL) - Wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka ayaa sheegtay in ay ku abaalmarinayso lacag dhan 5 milyan oo dollar qofkii soo sheega Abuukar Cali Aadan oo ah ku xigeenka hoggaamiyaha kooxda Al-Shabaab.

“Illaa $5 Milyan oo Doollarka Mareykanka ah ayaa lagu bixinayaa si loo helo Xog ku saabsan Abuukar Cali Aadan. Naga caawi sidii aan u heli lahayn hoggaamiyahan muhiimka ah ee argagixisada. Naga caawi joojinta hoggaamiyahan muhiimka ah ee argagixisada,” ayuu yiri barnaamijka Abaalmarinta Caddaaladda ee dalka Maraykanka.

Bishii Jannaayo 2018, Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa Abuukar Cali Aadan u magacawday Argagixiye Caalamiya ah iyadoo la raacayo qodobka (E.O.) 13224 kaas oo cunaqabateyn adag saaraya dadka ajnabiga ah ee halista weyn ku ah amniga muwaadiniinta Mareykanka ama amniga qaranka, siyaasadda dibadda, ama dhaqaalaha Mareykanka.

Maraykanka ayaa horey cunno-qabatayn ugusoo rogay horjoogayaasha Alshabaab. Qaar kamid ah oo uu ku jiro hoggaamiyaha kooxda Alshabaab ayaa la kordhiyay lacagaha lagu abaal marinayo qofkii soo hela macluumaad lagusoo qaban karo.