7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Sept 29, 2023
Dalalka ciidamada ka joogaan Soomaaliya oo taageeray in 90-maalmood dib loo dhigo bixidda ATMIS

Jimco, September, 29, 2023 (HOL) - Dalalka ciidamadu ka joogaan Soomaaliya ayaa waxay taageereen codsiga dowladda Soomaaliya ee ku aadan in muddo 90-maalmood dib loo dhigo wajiga labaad ee bixitaanka ATMIS.

Warqad loo diray Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres iyo Madaxweynaha Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, Ferit Hoxha, ayaa dowladaha Kenya, Ethiopia Djibouti, Burundi iyo Uganda waxay ku muujiyeen in ay taageersan yihiin codsiga Soomaaliya ee dib u dhigista bixidda ATMIS.

“Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS wuxuu idiin soo qorayaa taageero xooggan oo ku aaddan codsiga rasmiga ah ee dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan in la joojiyo farsamo ahaan dhimista 3,000 oo askari muddo 3 bilood ah," ayaa lagu yiri bayaanka dalalka ciidamadu ka joogaan Soomaaliya.

ATMIS, waxa ay ballan qaaday in ay sii wadi doonto la shaqaynta maamulada Soomaaliya si ay u hirgeliso barnaamijyada lagu heshiiyey ee ah wajiga labaad ee dhimista ciidanka ATMIS.

Ciidamada ammaanka ee gobolka ayaa sheegay in ay lama huraan noqon doonto in dhimista ciidamada ay bilaabato ka dib marka Soomaaliya ay si guul leh u gutaan waajibaadkii loo igmaday.