7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 2 , 2023
Cali Jeyte: Waagii aan ahaa guddoomiyaha Hiiraan hal mashruuc oo la taaban karo lama keenin gobolka

Sabti, September, 2, 2023 (HOL) - Guddoomiyihii hore ee gobolka Hiiraan, ahna madaxweynaha maamul la magac baxay Hiiraan State Cali Jeyte Cismaan, oo maanta fagaare kuyaala degmada Maxaas kula hadlayay kumanaan shacab ah, ayaa maamulka Hirshabeelle iyo Dowladda federalka ku eedeeyay in aanay hal mashruuc oo la taaban karo ka hirgalin Hiiraan.

Guddoomiye Cali Jeyte oo madaxweyne ka ah maamul lagu magacaabo Hiiraan State, wuxuu sheegay, maamulkan inuu ka dhashay,  markii ay meesha ka baxday wax wada lahaanshiyihii ka dhaxeeyay dadka wax wada dhistay.

“Intii aan joogay gobolka Hiiraan, hal mashruuc oo la tuujin karo, ama ha ahaadeen lacagaha daynta ah ee Soomaaliya ay hesho ama mashaariic kale, may dhicin. Mar haddaan jirin wax loo siman yahay, ma dhicidoonto in raali lawada ahaado, dowladnimadana waa inay dadka ka dhaxeysaa,” ayuu yiri Cali Jeyte.

Cali Jeyte ayaa hadalkan sheegay xilli maalinta berri ah uu Maxaas kusoo wajahan yahay madaxweyne Xasan Sheikh, oo maalmaha soo socda farriisin ka dhigan doono Maxaas, si uu uga hago dagaalka ka dhanka ah Alshabaab.

Inkastoo uu khilaaf ka dhex taagnaa gobolka Hiiraan, haddana madaxweyne Xasan Sheikh ayaa kala hadlay siyaasiyiinta gobolka Hiiraan ee Dowladda kasoo horjeeda in ay khilaafka dib u dhigaan, ayna kala shaqeeyaan dowladda dagaalka lagula jirto kooxda Alshabaab.

Hiiraan oo ah meeshii ugu horreysay ee laga abaabulay in Shabaab la iska dhiciyo, islamarkaana ku guulaystay in iyagoo aan taageero Dowladda ka helin ay Shabaab ka saaraan badi dhulkooda, ayaa haatan ka dhex muuqan howlgallada haatan socda.

Arrintaan ayaa loo aanaynayaa in Dowladda aanay reer Hiiraan siinin taageeradii ay ka mudnayd, waa sida ay qabaan dadka Dowladda dhaliilsan, taas beddelkeedna xikalkii laga qaado dadkii hormuudka u ahaa dagaalka Alshabaaab.