7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 2 , 2023
Wararkii ugu dambeeyay degmada Maxaas oo ay buux dhaafiyeen ciidankii ugu badnaa masuuliyiin kala duwan

Sabti, September, 2, 2023 (HOL) - Iyadoo lagu wado inuu maalinta berito ah uu tago degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan madaxweynaha dowladda fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa halkaasi saacadahii lasoo dhaafay ku qulqulaayay masuuliyiin kala duwan oo isugu jira heer fedaraal iyo heer dowlad goboleed, kuwaas oo halkaasi u tagay iney kusoo dhaweynayaan madaxweynaha.

Degmada Maxaas ayaa haatan la ciirciireysa marti galinta masuuliyiintii ugu badneyd ee abid isugu taga degmadaas iyo ciidamadii ugu badna, waxaana halkaasi ay noqon doonta goobta laga hagayo dagaalka ka dhanka ah Shabaab ee uu hoggaaminaayo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Soomaaliya, Xildhibaano heer Fedaraal iyo heer dowlad goboleed, madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle, madaxweynaha maamulka la baxay Hiiraan State iyo Saraakiil ciidan ayaa ku wada sugan magaalada Maxaas.

Magaalada Maxaas waxaa haatan ka socdo abaabulkii ugu xooggana ee la doonayo in shabaab looga ciribtiro guud ahaan dalka, kaasoo ay wadaan ciidanka Milatariga Soomaaliya iyo kuwa dadka deegaanka ee loo yaqaano Macawiisleey.

Abaabulkan ciidan iyo dhaqdhaqaaqyada ka socda degmada Maxaas ayaa la xariira sidii gacanta dowladda dib loogu soo celin lahaa  deegaanadii ay dhawaan soo baneeyeen ciidanka ee bariga gobolka Galgaduud oo ay ka mid tahay degmada Ceelbuur iyo deegaano kale.

Masuuliyiinta Maxaas gaartay Maanta waxaa ka mid ahaa Cali Jeyte Cismaan oo ah maxaxweynaha maamulka la baxay Hiiraan state, kaas oo si maqaam sare leh ugu soo dhaweeyeen degmadaasi shacabka ku nool Maxaas.

Cali jeyte oo khilaaf adag uu kala dhaxeeyo Hirshabeelle waxaa halkaas ugu yeeray madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, waxaana wararka soo baxaya ay sheegayaan in madaxweynaha uu qorshahiisa ku jiro xal u helida khilaafkii ka dhashay xilka qaadistii uu ku sameeyay Cali Jeyte madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe.

Wararkii ugu dambeeyay ee haatan kusoo dhacaya warqabadka HOL ayaa sheegaya in saraakiisha ciidanka iyo masuuliyiinta kale ee jooga degmada Maxaas iney bilaabeen diyaarinta istaraatiijiyada qorshaha dagaal ee la doonayo in lagu wajaho bariga gobolka Galgaduud oo ay wali deegaano badan ka heystaan kooxda Al Shabaab.