7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 2 , 2023
Howlgal lagu dilay horjoogayaal iyo maleeshiyaad ka tirsan Al-shabaab oo ka dhacay Shabeellaha Hoose

Sabti, September, 2, 2023 (HOL) - Ciidamada dowladda Fedaraalka Soomaaliya oo kaashanaya saaxiibada Caalamka ayaa howgal qorsheysan oo lagu dilay xubno ka tirsan Ururka Al-shabaab ka sameeyay deegaanka Towfiiq oo ka mid deegaanada hoostaga degmada Kuntawaareey ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Howlgalka ayaa la sheegay in lagu dilay in ka badan 20 ka mid askarta kooxda Al-shabaab oo ay ku jiraan horjoogayaal ka tirsan kooxda.

War kooban oo lagu daabacay Warbaahinta dowladda ayaa lagu sheegay in howlgalka lagu bartilmaameedsaday guri ku yaala deegaanka Towfiiq oo ay ku sugnaayeen horjoogayaal iyo maleeshiyaad ka tirsan kooxda Shabaab.

Howlgalkaan ayaa kusoo beegmaya, iyadoo Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya ay saacado ka hor shaacisay in howlgal ka dhacay degmada Qoryooleey ay ciidanka dowladda iyo kuwa saaxiibada Caalamka ay ku dileen in ka badan 30 Al-shabaab ah.

Si kastaba ha ahaatee tirada guud ee Shabaab looga dilay gobolka Shabeellaha Hoose 24 saac gudahood ayaa noqoneysa 50 xubnood oo isugu jira horjoogayaal iyo maleeshiyaad ka tirsan kooxda.