7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 2 , 2023
Dowladda Fedaraalka oo sheegtay in sidii Al-shabaab ay u ciribtiri laheyd la galeyso dagaal nooc kasta ah
 

Sabti, September, 2, 2023 (HOL) - Warsaxafadeed kasoo baxay Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda fedaraalka Soomaaliya ayaa lagu shaaciyay in Wasaarada Maaliyadda ay sii xoojineyso dagaalka dhanka dhaqaalaha ee dowladda kula jirto kooxda Al-Shabaab.

Wasaaradda ayaa sidoo kale sheegtay in dowladda ay kooxdu kula jirto laba dagaal oo kala ah midka tooska ah ee hubka loo adeegaanayo iyo midka dhaqaalaha.

“Dowladda Soomaaliya waxa ay si joogta ah ugu hawlantahay ciribtirka khawaarijta Argagixisada ah ee dhibka badan ku haya Bulshada Soomaaliyeed, Hawlgalka ciidan ee ciidamadeena geesiyaasha ah hormuudka ka yihiin, waxaa bar bar socda dagaal ka dhaqaale iyo fikir ka ka dhanka ah Khawaarijta” ayaa lagu yiri Warsaxafadeedka kasoo baxay Wasaarada Maaliyadda Soomaaliya.

Qoraalka waxaa sidoo kale lagu sheegay in dowladda Fedaraalka sidii ay u ciribtiri laheyd Al-shabaab ay dagaal nooc kasta ah la galeyso kooxda.

 “Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya waxay door muuqda kaga jirtaa la dagaalanka maalgelinta Argagixisada, si loo naafeeyo awoodooda maaliyadeed iyo dhaqaale" ayaa lagu yiri Warsaxafadeedka Wasaaradda Maaliyadda.

Si kastaba ha ahaate dowladda Soomaaliya waxay horay u qaaday tallaabooyin ka dhan ah dhinaca dhaqaalaha ee kooxda Al-shabaab, waxaana xusid mudan in dowladdu ay horay u xirtay akoono badan oo Al-shabaab lacagaha loo soo marsiin jiray, islamarkaana xayirtay lacago badan oo kooxda ka qaadan jirtay ganacsatada iyo dadka Soomaaliyeed.