7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 2 , 2023
Madaxweyne Xasan Sheikh oo ka hadlay saamaynta dowladda kasoo gaartay dagaalkii Cowswayne

Sabti, September, 2, 2023 (HOL) - Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheikh Maxamuud ayaa markii ugu horraysay qiray in ciidamada xoogga dalka ay kasoo baxeen furimaha dagaalka, kaddib dagaalkii ka dhacay degaanka Cawsweyne.

Madaxweyna oo xalay ka qeyb galayay kulan su’aalo lagu weydiinayay oo ka dhacay aaladda Twitterka, ayaa wuxuu sheegay in weerarkaas uu Dowladda kasoo gaaray saameyn xooggan.

Madaxweyne Xasan Sheikh wuxuu sheegay in  ciidamadu ay soo baneeyeen furimaha dagaalka qaladaad farsamo oo dhacay. wuxuuse sheegay in Dowladda ay qaaday tallaabooyin lagu wacyi galinayay ciidamada, si dib loogu celiyo furimaha dagaalka.

“Meeshaas Cowswayne meel aan ahayn oo ciidanka Dowladda lagusoo jebiyay ma jirto. Hadda xooggaa waa laga daba tagay, xaqiiqadanii waa soo taabteen dhallinyarada,” ayuu yiri madaxweynuhu.

Madaxweynuhu wuxuu sheegay in ciidamada abaal marin la siinayo, si niyadooda loo hagaajiyo oo aysan mar dambe furimaha dagaalka ugasoo bixin.

Wuxuu sheegay muddo bil iyo bar ah oo uu ku sugan meelaha laga hagayo dagaalka Shabaab, in uu haatan tagayo meelo kale oo kusii dhow furimaha dagaalka, si uu ciidamada u dhiirri galiyo.

“Dagaalka waa soconaa ma is taagaayo. Mooraalkeena waa Hight. Boqolkiiba boqol ayaan kalsooni ku qabnaa inaan ka adkaanayno Shabaab. Ileen waa soo tijaabinay,” ayuu yiri madaxweynuhu.

Ugu dambayn wuxuu sheegay madaxweynuhu inay jiraan dad yar oo kooban oo ka shaqeynaya fashilinta dagaalka Dowladda kula jirto Shabaab. Wuxuu sheegay dadkaas inay ula mid yihiin Shabaab.