7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 2 , 2023
Dagaal lagu dilay in ka badan 30 xubnood oo ka tirsan Al-shabaab oo ka dhacay Shabeellaha Hoose
 

Sabti, September, 2, 2023 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal khasaare geystay oo degmada Qoryooleey ku dhexmaray Ciidanka dowladda fedaraalka Soomaaliya oo kaashanaya kuwa Midowga Afrika ee ATMIS iyo ciidamo ka tirsan kuwa Al-shabaab.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii kooxda Al-shabaab ay dhowr jiho ka weerareen degmada Qoryooleey ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Warsaxafadeed kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ayaa lagu sheegay in weerarkaasi ciidanka dowladda ay iska caabiyeen, islamarkaana Al-shabaab looga dilay in ka badan 30 xubnood.

Dadka deegaanka oo la hadlay Warbaahinta waxay sheegeen in dagaalka uu ahaa mid xoogan oo qaatay hal saac oo xiriir ah, kaasoo ka dhacay gudaha degmada, islamarkaana dhinacyada ay isku adeegsadeen hubka noocyadiisa kala duwan.

"Ciidanka qaranka iyo saaxiibada caalamka ayaa burburiyay gaadiid qaraxyo ay ku soo xireen Khawaarijta oo ay doonayeen inay ku dhibaateeyaan bulshada. Ciidanka dowladda ayaa wali ku sii raad jooga firxadka Khawaarijta intii baxsatay, waxaana meelaha qaar daadsan meydadka Khawaarijta" ayaa lagu yiri warsaxafadeedka kasoo baxay Warfaafinta dowladda.

Dagaalkaan ka dhacay Qoryooleey ayaa kusoo beegmaya, iyadoo ciidanka dowladda iyo Saaxiibada caalamka ay kordhiyeen mudooyinkii dambe howlgalada ka dhanka ah kooxda Al-shabaab.