7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 16, 2023
Ciidamada dowladda iyo kuwa degaanka oo la wareegay gacan ku haynta degaanka Qodqod ee gobolka Mudug
 

Sabti, September, 16, 2023 (HOL) - Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya kuwa dadka deegaanka ayaa Alshabaab ka qabsaday deegaannada Sargo iyo Qodqod oo ka tirsan Gobolka Mudug.

Warsaxaafadeed Dowladda kasoo baxay ayaa lagu sheegay in hawlgalka lagu qabsaday degaanadan lagu dilay in ka badan 30 Shabaab ah. Sidoo kale dowladdu waxay sheegtay in lagu gubay afar gaari, kuwa kalena lagu qabsaday.

Wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya, Axmed Macalin Fiqi ayaa sheegay in sargaalkii hoggaaminayay Shabaabkii ka dagaalamayay Qodqod, kaasoo lagu magacaabo, Maxamed Bashiir Muuse, lagu dilay dagaalka.

Si kastaba ha ahaatee, ciidamada Dowladda iyo kuwa degaanka ayaa caawa ku hoyanaya degaanka Qodqod oo waxyar u jirta degaanka Camaara oo dhacda Koonfurta gobolka Mudug.

Shalay ayay ahayd markii Alshabaab ay weerar kusoo qaadeen tuulada Ceel la helay ee gobolka Galgaduud, halkaas oo labada dhinac uu kasoo gaaray khasaare dhimasho iyo dhaawac leh.