7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 16, 2023
Somaliland oo cambaaraysay safarkii wasiirada iyo xildhibaanada ka tirsan dowlada federaalku ku tageen Laascaanood

Sabti, September, 16, 2023 (HOL) - Somaliland ayaa sheegtay in ay cambaaraynayso socdaal ay dhawaan wasiiro iyo xildhibaano ka tirsan Dowlada Federaalka Soomaaliya, iyo madax Puntland ahi ku tageen Laascaanood.

Warsaxaafadeed kasoo baxday Wasaarada Arrimaha Guddaha Somaliland, ayaa lagu cambaareeyay socdaalka ay masuuliyiintu ku tageen magaaladaa Laascaanood, waxayna xukuumadu ku tilmaantay xad gudub.

"Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay si adag u cambaaraynaysaa gardarada iyo xad-gudubyada cad ee ay ku kaceen xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya iyo madaxda Puntland".

Booqashada masuuliyiinta ayay Somaliland ku tilmaantay daandaansi cad oo meel ka dhac ku ah midnimada dhuleed ee Somaliland, iyo xad-gudub lagu sameeyay qaranimada Somaliland, isla markaana wiiqaya nabadda iyo xasilloonida gobolka.

Warsaxaafadeeda ayaa lagu sheegay in Xukuumadda Somaliland ay qaadi doonto tallaabo kasta oo ay ku ilaalinayso madaxbanaanideeda, qaranimadeeda,  iyo nabad-gelyada mandaqada ay ku taallo, sida warsaxaafadeeda loo dhigay.

Somaliland sidookale waxa ay sheegtay in ay walaac ka qabto dagaalyahano Al Shabaab ka tirsan oo ay sheegtay in ay joogaan Laascaanood "Xukuumadda Somaliland ayaa sidoo kale walaac xooggan ka qabta joogitaanka Al-Shabaab ee Laascaanood".