7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 16, 2023
Jabhadii buurta Gacanlibaax oo qaybtii ugu horaysay hubka dhigis lagu sameeyay

Sabti, September, 16, 2023 (HOL) - Qaybtii ugu horaysay ee ka mid ah jabhada buurta Gacanlibaax, ayaa maanta hubkoodii ku wareejiyay guddi kamid ah salaadiinta dhaqanka Somaliland.

Sida uu sheegay Suldaan Cade Gudde oo hoggaaminaya guddi salaadiin ah  oo loo xilsaaray in ay jabhada ku qanciyaan in ay hubka dhigto, ayaa sheegay in dhamaan xubnaha jabhadu ay ku biiri doonaan ciidanka millateriga.

"Waa qaybtii 1aad, dhallinyaradan waxa aynu ku wareejin doonaa Axmed Ilka Case, isla markaana waxa ay ka xaadiri doonaan dugsiga tababarka Badar Wanaag, waa qaybtii ugu horaysay, hawluhuna si fiican ayay noogu socdaan" ayuu yidhi Suldaan Cade Gudde.

Go'aanka jabhada buurta lagaga soo dajinayo ayaa qayb ka ah, go'aamadii xalka lagaga gaadhay khilaafkii mudada dheer soo taagnaa ee siyaasada Somaliland, isla markaana guddida beesha ay jabahadu kasoo jeedo  ayaa ku hawlan in ay gabi ahaanba hubka ka dhigaan jabahada.

Jabhadan ayaa ka cadhootay khilaaafkii siyaasada ee mudada taagnaa, waxayna intii ay jirtay weeraro u gaysatay ciidamo booliis ah iyaga oo dilay tiro toban ka badan, sidookale waxay afduub u gaysteen dad iyo baabuur.