7/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 16, 2023
Somaliland: Dab xoogan oo ka kacay suuq ganacsiyeedka degmada Wajaale

Sabti, September, 16, 2023 (HOL) - Dab xoogan ayaa ka kacay suuq ganacsiyeedka degmada Wajaale oo dhacda xuduudka Somaliland iyo Itoobiya.

Dabka ayaa durbadiiba gaadhay boqollaal meheradood oo ganacsi, waxaana la tacaalaya dab damiska degmada iyo dadka shacabka ah, sidookale dab damiska Hargaysa ayaa goor dhawayd gurmad ugu baxay.

Wali dabka ayaa si xoogan u fidaya madaama oo anay degmadu lahayn dab damis xoogan oo u babac dhigi kara dab sidan oo kale u xoogan, isla markaana dadwaynaha ayaa isku dayaya in ay alaabada ka daad gureeyaan meharadaha uu dabku ku fidayo.

Somaliland hore waxa uga gubtay suuqii Waaheen ee magaalada Hargaysa, kaasi oo gubashadiisu ay dhaqaalaha samayn wayn ku yeelatay, sidookale suuqa Wajaale ayaa ah il dhaqaale oo wayn oo Somaliland ku tiirsantahay.

Marka laga yimaado suuqyada Somaliland sidookale labadii sanno ee u danbaysay waxa gubtay suuqyo badan oo Soomaali leedahay, sida suuqa Jigjiga, Suuqa Gaarisa, Suuqa Jabuuti iyo ka Muqdisho oo dab qabsaday.