7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 16, 2023
Booliiska Soomaaliya oo Muqdisho kusoo bandhigay gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa

Sabti, September, 16, 2023 (HOL) - Waxaa Maanta magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya lagu soo bandhigay Gaari nuuciisu Soomaalida u taqaano Leylo calaawi oo laga soo buuxiyay waxyaabaha Qarxa oo ay dhawaan ciidanka amaanka gacanta ku dhigeen.

Afhayeenka ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Sadiiq Aadan Cali Doodishe ayaa sheegay in ciidanka amaanka oo howlgalo ka waday deegaanka Daarusalaam ee magaalada Muqdisho iney gaarigaan gacanta kusoo dhigeen gaarigaan iyo ninkii waday.

"11-kii bishaan Septembar ayaa ciidamada oo howlgaladooda ay ku xaqiijinayeen amaanka iyagoo ku howlan waxay gacanta ku dhigeen gaarigaan aad aragtan oo laba taargo leh kuna rarna ilaa 10 jirigaan oo labaatanlayaal ah oo ay ku jireen baaruuda nooca qaraxyada loo isticmaalo ee loo yaqaano TNT iyo dhagar qabahii waday gaarigaan" ayuu yiri Afhayeen Doodishe.

Afhayeen Doodishe ayaa sidoo kale xusay in hada ay baaris ku socoto ninkii waday gaarigaan uu ku rarna waxyaabaha qarxa, islamarkaana cadaalada la hor keeni doono.

Wuxuu sidoo kale xusay in kooxda haatan ay wajaheyso xaalad gabagabo ah, islamarkaana qaraxyadu ay magaalooyinka nabdoon lasoo aado si ay isaga yareyso culeyska dagaalka ku furan ee lagu jabiyay kooxda.