7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 16, 2023
Xildhibaan Mursal: Baydhabo lug ayaan kusoo galaynaa haddii Lafta Gareen uu hawada naga xiro
 

Sabti, September, 16, 2023 (HOL) - Guddoomihii hore ee baarlamaanka Soomaaliya, Maxamed Mursal Sheikh Cabdiraxmaan, ayaa sheegay inuu Baydhabo lug ku gali doono haddii madaxweyne Lafta Gareen uu isku dayo inuu ka joojiyo safarka dhinaca hawada.

Guddoomiyihii hore ee baarlamaanka Xildhibaan Mursal ayaa kamid ah siyaasiyiinta doonaya inay u tartamaan xilka madaxweynaha Koonfur Galbeed. Wuxuu hadda olole siyaasadeed ka wadaa magaalada Nairobi, isagoo kamid ahaa siyaasiyiin dhawaan war saxaafadeed kasoo saaray xaaladda siyaasadeed ee Koonfur Galbeed.

Wareysi uu bixiyay ayuu ku sheegay in isaga iyo musharraxiinta kale ay safarka lug ah kaga bixidoonaan magaalada Muqdisho, isagoo sheegay in dhinaca gobolka Shabeellada hoose ay ka galidoonaaan magaalada Baydhabo.

Xildhibaan Mursal wuxuu sheegay haddii madaxweyne Lafta gareen uu diido in la yimaado Baydhabo ay meelo kale oo katirsan Koonfur Galbeed ku dhisidoonaan maamul ay ku midaysan yihiin siyaasiyiinta mucaaradka.

"Dhinaca Afgooye ayaan ka galaynaa Baydhabo  haddii Lafta Gareen uu hawada naga xirto. Annagu ka baqi mayno Alshabaab. Annagoo iskaashanayna ayaa lug ku galaynaa Baydhabo," ayuu yiri guddoomiyihii hore ee baarlamaanka.

Dhinaca kale, mucaaradka Koonfur Galbeed ayaa kasoo horjeeda heshiiska madasha wadatashiga qaran ee midaynta doorashooyinka heer federal iyo kuwa dowlad goboleedyada.

Heshiiskaas oo weli baarlamaanku uusan meel marin ayaa doorashada Koonfur Galbeed ka dhigaya bisha November ee sanadka 2024.

Musharraxiinta mucaaadka Koonfur Galbeed ayaa taageersan heshiiskii siyaasadeed ee horraantii sanadkan lagu gaaray magaalada Baydhabo, kaasoo sheegaya in doorashada madaxweynaha koonfur Galbeed la qabto bisha January ee sanadka soo socda 2024.