7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Sept 15, 2023
Faysal Cali Waraabe oo si kulul uga hadlay waftigii ka socday dowlada federaalka ee Laascaanood tagay
 

Jimco, September, 15, 2023 (HOL) - Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka Somaliland ee UCID Faysal Cali Waraabe, ayaa sheegay in Somaliland ay qaado doonto talaabo ay xuduudaheeda ku sugayso.

Faysal oo ka fal-celiyay wafti iskugu jira wasiiro iyo xildhibaano ka tirsan Dowlada Federaalka Soomaaliya oo socdaal 2 cisho ah ku tagay Laascaanood ayaa sheegay in Somaliland dhawaan ay talaabo ka qaadi doonto Laascaanood.

"Waftiga Muqdisho ka yimid ee Laascaanood yimid waxba ka badali maayaan xuduudaha caalamiga ah ee Somaliland, riwaayada iyo farxada badanina waxay isku badali doontaa ilmo iyo murugo" ayuu yidhi Faysal.

Guddoomiyaha oo hadalkan ku baahiyay bartiisa Twitterka, ayaa sheegay in Somaliland ay dhawaan sugi doonto amaanka xuduudaheeda, sida uu hadalka u dhigay.

"Somaliland dhawaan way iska saari doonta kuwa soo duulay ee naxariis laaweyaasha ah, waxayna sugu doonta amaanka dhamaan xuduudaheeda inshallah" ayuu yidhi Faysal.

Warsaxaafadeeda ay soo saareen waftiga dowlada Soomaaliya ka socda ee Laascaanood tagay, ayaa lagu sheegay in ay haboontahay in laga fogaado dagaal danbe oo ka dhaca gobolka Sool.