7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Sept 15, 2023
Dowladda Soomaaliya oo shaacisay magacyada horjoogayaal Shabaab ah oo lagu dilay howlgal ka dhacay Shabeeladda dhexe

Jimco, September, 15, 2023 (HOL) - Dowladda Soomaaliya ayaa maanta waxay shaacisay tirada horjoogeyaal Alshabaab ah oo ku geeriyooday hawlgal qorshaysan oo ay ciidanka dowladda iyo saaxiibada caalamka ka fuliyeen deegaanka Gumarka Cosobow Cali oo ka tirsan degmada Ruun-Nirgood.

Howlgalkan oo dhacay 12-kii bishaan, ayaa lagu burburiyay gaari nuuca loo yaqaanno Noohada kaas oo ay saarnaayeen sida ay dowladdu sheegtay, horjoogeyaal iyo maleeshiyaad katirsan kooxda Alshabaab.

Dowladda Soomaaliya oo kaashanaysa shacabka iyo saaxiibada caalamiga ah waxay sheegtay inay ka go’an tahay ciribtirka Alshabaab, iyada sheegtay in horjoogeyaasha Alshabaab lagu bartilmaameedsanayo goob kasta.

Waa kuwaan qaar kamid ah magacyada horjoogayaasha Shabaab ee Dowladdu sheegtay in lagu dilay howlgalkii Gumarka Cosobow Cali.

1. Salaad Dheere, horjoogaha lahaa go’aanka jabhadda gobolka Shabeellaha Dhexe, waxa uu horay u soo noqday horjooge ku xigeenka jabhadaha gobolka Galgaduud.

2. Cabdullaahi Ciilow, waxa uu ahaa horjooge kooxeed Shabaab ah, waxaana ka amar qaadanayay in ka badan 300 oo maleeshiyaad ah, kuwaasi oo ka tirsanaa waxa ay ugu yeeraan Jabhadda Shabeellaha Dhexe.

3. Shucayb, waxa uu ahaa horjoogaha dabagalka Horjoogeyaasha iyo Shabaabka ka hawlgala gobolka Shabeellaha Dhexe.

4. Cabdullaahi Xuseen Qodax “Cabdullaahi Madoobe” oo magaciisa afgarashada ahaa Cabdikariin, waxa uu ahaa sida ay dowladdu sheegtay, horjoogaha qaraxyada gobolka Shabeellaha Dhexe, waxa uu sidoo kale ka hawlgali jiray Galgaduud.

5. Bagaax, waxa uu ahaa horjooge Koox Shabaab ah oo loo diyaariyay in ay weerarro ka gaystaan deegnaannada, Daaru-nimca iyo Cali-heel.

6. Saylici, waxa uu ahaa horjooge hoosaad ka tirsan qaybta faafinta marin habaabinta Shabaab ee Alkata’ib waxa uuna hoostagayay Horjooge Yoonis oo ah ninka ugu sarreeya qaybta samaynta iyo faafinta farriimaha Alshabaab.

7. Axmad Maxamed oo loo yaqaanay Xerow iyo Nadiir, waxa uu ahaa horjoogaha loogu yeero gurmadka oo ay u diyaariyeen gobollada Hiiraan iyo Galgaduud, ilaa 2009-kii ayuu ka soo tirsanaa Alshabaab isaga oo ka soo hawlgalay meelo kala duwan oo ay ka mid yihiin Muqdisho iyo Hiiraan.