7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Sept 15, 2023
Madaxweynaha Galmudug oo beeniyay inuu ku dhaawacmay weerarkii saakay lagu qaaday degaanka Laas-gacameey

Jimco, September, 15, 2023 (HOL) - Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa beeniyay warar sheegayay inuu ku dhaawacmay weerar ismiidaamin ah oo saakay lagu qaaday degaan uu ku sugan yahay oo lagu magacaano Laas-gacameey oo katirsan degmada Bacaadweyne.

Madaxweyne Qoorqoor oo soo duubay muuqaal ayaa sheegay in isaga iyo masuuliyiinta kale ee kula sugan degaanka ay bed qabaan, isagoo sheegay wararka sheegaya inay ku dhaawacmeen ay yihiin dacaayado ay Shabaabku faafiyeen.

Qoorqoor oo ku sugan deegaanka Laas-gacameey ayaa sheegay in weerarkan uu ahaa weerar fuleynimo ah oo muujinaya in Alshabab ay ku jiraan rafashadii ugu dambeeysay.

Wuxuu sheegay inay kusii sugnaan doonaan goobaha hore ee dagaalka, isagoo sheegay in maalmaha soo socda la maqlidoono guul weyn oo laga gaaray dagaalka Alshabaab.

Saakay waaberigii ayay ahayd markii Alshabaab ay gaari lagasoo buuxiyay waxyaabaha qarxa kusoo weerareen degaanka Laas-gacameey, halkaas oo farriisin u ahayd madaxweyne Qoor qoor iyo masuuliyiin kale.

Degaankan ayaa 25km u jirta degaanka Wisil ee gobolka Mudug. Maalmo ka hor ayuu madaxweynaha Galmudug ka dhigtay fariisin laga hago dagaalka Alshabaab.

Xildhibaan Cabdisalaan Dhabancad oo katirsanaa xubnaha  madaxweyne Qoorqoor kula sugan degaankaan ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in dhaawac gacanta ah uu soo gaaray, halka Senator Cabdiqeybdiid uu sheegay in madaxa uu dhaawac kasoo gaaray.

Dhaawacooda wuxuu sheegay inuu sabab u ahaa saamaynta qaraxa ka dhashay oo sababtay inuu kusoo dumo guri ay ku jireen oo jiingad ah.