7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 14, 2023
Wafdi ka socda dowladda Fedaraalka oo maanta gaaray magaalada Laascaanood
 

Khamiis, September, 14, 2023 (HOL) - Waxaa Maanta magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool gaaray Wafdi balaaran oo ka socda dowladda Fedaraalka Soomaaliya oo isugu jira Wasiiro, Xildhibaano.

Xubnaha wafdiga ee ka socda dowladda Soomaaliya waxaa kamid ahaa Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta Soomaaliya Jaamac Xasan Khaliif, guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Aqalka Sare Cabdullaahi Xirsi Timacadde, xildhibaan Bashiir Ameeriko, xildhibaan Cali Saciid Fiqi iyo wasiir hore Xamse Saciid Xamse.

Wafdiga waxaa garoonka Laascaanood kusoo dhaweeyay madax ka tirsan hogaanka SSC, saraakiil ciidan iyo qeybaha kala duwan ee bulshada, waxaana soo dhaweyntooda kadib ay booqdeen goobahii ku burburay dagaaladii ka dhacay Laascaanood iyo Qooja cadde.

Hadalo kooban oo ay jeediyeen wafdigaan ka socda dowladda fedaraalka ee Maanta tagay Laascaanood waxay sheegeen iney halkaasi u tageen iney sidii warbixin rasmi ah u gaarsiin lahayen dowladda Fedaraalka, iyagoona sidoo kale xusay iney garab taagan yihiin shacab iyo hoggaanka maamulka SSC-Khaatumo.

Xubnaha wafdiga ayaa sidoo kale isimada iyo shacabka deegaanka SSC-Khaatumo u sheegay inay ku faraxsan yihiin sida midnimada dadka reer SSC ay marwalba muujiyaan jaceylka midninada dadka Soomaaliyeed.

Isimada iyo hogaanka SSC-Khaatumo ayaa dhankooda uga mahadceliyay imaashaha wafdiga maanta gaaray magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

Laascaanood waxaa mudo ku dhaw hal sano ka socday dagaalo xoogan oo u dhaxeeyay ciidamada Soomaaliland iyo dadka reer Laascaanood, waxaana wafdigaan uu noqonaya wafdigii ugu cusle ee heer fedaraal ah oo gaara Laascaanood.