7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 14, 2023
Dowladda Soomaaliya oo ka warbixisay xaalada Muwadiniinta Soomaaliyeed ee ku sugan dalalka Maroco iyo Liibiya

Khamiis, September, 14, 2023 (HOL) - Iyadoo todobaadkaan gudahiisa dalalka Liibiya iyo Maroco ay ka dhaceen Musiibooyin kala duwan oo sababay dhimashada kumaan ruux ayaa Wasaaradda Arrimaha Dibadda Xukuumadda Soomaaliya waxay ka warbixisay xaaladda Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku nool dalalkaas.

Dalka Marocco ayaa waxaa ka dhacay dhul gariir baaxad leh oo galaaftay nolosha in ka badan 2,900 oo ruux oo ku noola dalkaas, halka Liibya ay sidoo kale daadad iyo duufaanno xoog leh ay ka dhaceen oo iyana sababay dhimashada dad tiradooda lagu qiyaasay iney dhaafayaan 5 kun.

Xoghayaha joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Xamsa Aadan Xaadow oo ka hadlay musiibooyinkaasi ayaa sheegay in muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku nool dalalkaasi ineysan wax khasaare ah kasoo gaarin musiibooyinkaas.

Xoghaye Xamse Aadan ayaa sidoo kale uga tacsiyadeeyay dhibaatada gaartay dowladaha Liibiya iyo Maroco, isagoona sheegay in dowladda Soomaaliya ay garab istaageyso dadka reer Liibiya iyo Maroco.

Xoghayaha joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegay in shacabka Soomaaliyeed ee ku nool dalalkaas hadii ay la kulmaan muwaadinin wax yeelo soo gaartay ama dhibaateysan inay la xariiri karaan Safaarada dowladda Soomaaliya ay ku leedahay labadaasi wadan oo u diyaarsan iney u adeegaaan muwaadiniinta Soomaaliyeed.