7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 14, 2023
Puntland oo ku eedeysay madaxweyne Xasan Sheikh inuu burburiyay ciidankii Eritrea lagusoo tababaray
 

Khamiis, September, 14, 2023 (HOL) - Wasiirka warfaafinta Puntland, Eng. Maxamuud Caydiid Dirir ayaa sheegay dowladda federalka Soomaaliya in aysan istaraatiijiyad ka lahayn dagaalka ay kula jirto kooxda Alshabaab.

Wasiirka warfaafinta waxa uu sheegay dowladda federaalka in ay burburisay ciidamadii lagusoo tababaray dalka Eritrea, kuwaas oo uu sheegay inay ku filnaayeen inay Shabaab burburiyaan.

"Waad garan kartaa ciidan fara badan oo tababaran oo dhallinyaro u badan, oo xaalad kaste iyo cimilo kaste lagu tababaray, oo shan kun gaaraya ayaa Eritrea laga keenay. Shantaas kun ayaa Shabaab ka adkaa, haddii si fiican loo maamulo," ayuu yiri wasiirku.

Wasiirku wuxuu sheegay in dowladda federalku  dayacday ciidankeeda, isagoo sheegay in maalin kaste uu Shabaabku meel cidlo ah ku laynayo.

Wuxuu sheegay madaxweyne Xasan Sheikh iyo dowladdiisu inay masuul ka yihiin istaraatiijiyad la’aanta lagu laynayo ciidanka dowladda.

Eng. Caydiid. wuxuu sidoo kale sheegay dowladda federalka in aysan Puntland lasoo wadaagin xogaha AlShabaab. Wuxuu sheegay Puntland in ay halis ugu jirto Shabaabka ka baxsanaya howlgallada  ka socda gobolada dhexe in ay degaanadooda kusoo dhuuntaan.

Wuxuu sheegay in ay ogyihiin saraakiil baxsaday oo aan la ogayn halka ay ku sugan yihiin.