7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 14, 2023
Maxkamadda ciidamada qalabka sidda oo xabsi 15 sano ah ku xukuntay labo nin oo basaas u ahaa Shabaab
 

Khamiis, September, 14, 2023 (HOL) - Maxkamadda ciidamada qalabka sidda ee Soomaaliya ayaa maanta oo khamiis ah waxay 15 sano oo xabsi ah ku ridday labo nin oo basaasiin u ahaa kooxda Alshabaab.

Axmed Xasan Baariyow iyo Aadan Maxamed  Qoslaaye, kuwaas oo Alshabab ku kala biiray 2012 iyo 2020-kii, ayaa xeer ilaalinta maxkamadda waxay sheegtay in ay ahaayeen Jawaasiis soo hubiyo dilalka iyo weerarada ka dhaca Muqdisho illaa iyo Ceelasha.

Labadaan nin ayaa kamid ahaa dadka isticmaala waxyaabaha maanka dooriyaha sida Xashiishka.

Axmed Xasan Baariyow oo shaqadan soo hayay muddo 10 sano ah ayaa xeer ilaalinta maxkamaddu sheegtay inuu Qoslaaye ku qanciyay inuu la qabto shaqadan.

Hay’adaha sirdoonka ee dowladda ayaa horey u sheegay in Alshabaab ay adeegsadaan dadka maandooriyaha isticmaala, iyagoo uga faai'daysanaya daruufaha ay ku sugan yihiin.