7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 14, 2023
Ciidamada dowladda oo howlgalo qorsheysan ka sameeyay deegaano ka tirsan Jubbada Hoose
 

Khamiis, September, 14, 2023 (HOL) - Ciidamada dowladda Fedaraalka Soomaaliya, gaar ahaan Kumaandooska Danab oo kaashanaya ciidanka Daraawiishta maamulka Jubbaland ayaa howlgalo qorsheysan ka sameeyay deegaano dhowr ah oo ka tirsan gobolka Jubbada Hoose.

Ciidamada is garabsanaya ayaa howlgalada si gaar ah uga fuliyay deegaano badan oo ku yaala Galbeedka magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Deegaanada ciidamada ay howlgalada ka sameeyeen ayaa kala ah Barjala, Dharkayn urur, Sariiraha, Orgiyow, Yaaq caleen iyo Aboodin oo ay horay ugu sugnaayeen dhamaan deegaanadaas kooxda Al-shabaab.

Lama soo warin wax khasaare ah oo ka dhashay howlgaladaas ka dhacay deegaanada hoostaga magaalada Kismaayo, waxayna saraakiishu sheegeen in deegaanada howlgalada ka fuliyeen ay ahayeen goobo Al-shabaab kasoo abaabuli jireen weerarada ay ka geysteen deegaanada gobolka Jubbada Hoose.

Jubbaland waxay ka mid tahay meelaha ay wali ku xoogan yihiin Ururka Al,shabaab oo haatan inta badan laga soo saaray deegaanada iyo degmooyinka maamulada Galmudug iyo Hirshabeelle.