7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 14, 2023
Ciidamada Kenya oo 5 tirsan Al-Shabaab ku dilay weerar ka dhacay gobolka Gaarisa

Khamiis, September, 14, 2023 (HOL) - Weerar lagu qaaday fariisin ay kooxda Al Shabaab ku lahayd deegaanka Xarboole-Faafi ayaa lagu dilay ugu yaraan 5 xubnood oo Shabaab ah, waxaana laga soo furtay Walxaha Qarxayada laga sameeyo, dawooyin iyo agabyo kale duwan.

Ciidamada Kenya oo helay xog sirdoon ayaa weerar ku qaaday goobta la rumaysan yahay in ay ka mid tahay xerooyinka saadka ee kooxda Alshabaab.

Waxaa la rumeysan yahay in saldhiggan loo isticmaalo sameynta walxaha qarxa ee lagu aaso waddooyinka muhiimka ah ee Gaarisa iyo degmada Lamu, si loogu bartilmaameesado ciidanka amniga.

Dowladda Kenya ayaa sheegtay inay bilowday howlgallo xooggan oo ay kula dagaalamayso Alshabaab, kadib markii ay kordheen weerarada ka dhacaya ismaamulada Lamu iyo Garissa.

Axadii lasoo dhaafay, Al Shabaab ayaa miinooyin ku aasayay agagaarka deegaanka Bodhei-Majengo oo ku teedsan wadada Milimani iyo Baure ee gobolka Lamu, halkaasi oo ay ku dileen tiro ka tirsan ciidamada difaaca Kenya.