7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 13, 2023
Garaad Cabdirisaaq Garaad Soofe oo Somaliland uga digay weerar ay ku qaado Laascaanood
 

Arbaco, September, 13, 2023 (HOL) - Garaad Cabdirisaaq Garaad Soofe, ayaa ka digay dagaal ay Somaliland ku qaado Laascaanood, isaga oo sheegay in hadii ay dhacdo Somaliland cawaaqib xun kala kulmi doonto.

Garaadku waxa uu sheegay in Somaliland anay qabsan karin magaalooyinka Buuhoodle iyo Laascaanood midna, isla markaana hamigaasi uu yahay mid been ah.

"Waxan ku talinaya khasaaruhu intaa hay noogu ekaado, anagu Burco iyo Hargaysa dagaal waanu ku qaadi karnaa lakiin ma qabsan karno, idinkuna Laascaanood iyo Buuhoodle dagaal waad kusoo qaadi kartaan lakiin ma qabsan kartaan" ayuu yidhi Garaad Soofe.

Waxa uu ka digay weerarada laga cabsi qabo in ay Somaliland ku qaado Laascaanood, isaga oo sheegay in anay faa'iido ka gaadhi doonin.

"Hasoo duulina ciidanka Caynaba iyo Oog lagu ururinayana ha laga qaado, meeshii ku haboon ee kale ee uu wax idiinku tarayo hala geeyo, hadaad na soo weerartaan horta waan isku dhimanaynaa lakiin xili xiliyada ka mid ah waxa la arki doonaa idinka oo abaal ku qaba guryihiina" ayuu yidhi Garaad Soofe.

Somaliland ayaa dhankeeda sheegtay in ay qaadayso hawlgalo ay kula dagaalamayso kooxo argagixiso ah oo ay sheegtay in ay Laascaanood yimaadeen, iyo ciidamada Puntland.