7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 13, 2023
Somaliland oo ka warbixisay meelaha ay ka yimaadeen argagixisadii ay sheegtay in ay Laascaanood soo galeen

Arbaco, September, 13, 2023 (HOL) - Somaliland oo markale ka hadashay kooxihii xagjirka ahaa ee ay sheegtay in ay Laascaanood soogaleen, ayaa sheegtay in ay ka yimaadeen badhtamaha Soomaaliya, Puntland iyo Buuhoodle.

Warsaxaafadeed kasoo baxday Wasaarada Arrimaha Guddaha, ayaa lagu sheegay in qaar kamid ah kooxahani ay kasoo dageen buuralayda Galgala ee Puntland, halka qaarna ay ka yimaadeen gobolada dhexe ee Soomaaliya, kadib markii dagaalo halka ka dhacay lagu jabiyay, iyo qaar ay sheegeen in uu xukumo Cabdimadoobe oo ah sarkaal reer Buuhoodle ah.

Warsaxaafadeeda ayaa lagu sheegay in Somaliland ay qaadi doonto talaabooyin ay kaga hortagayso kooxahan ay sheegtay in ay yimaadeen gobolka Sool.

"Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland waxay qaadaysaa tallaabooyin dawladdimo oo lagu xaqiijinayo amniga shacabka Laascaanood Iyo Buuhoodle, kuwaasoo ay ku soo duuleen kooxaha argagixisada ah, huwanta iyo Maamulka Goboleedka Pundland ee Soomaaliya, waxayna Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland soo afjaraysaa duulaanka lagu soo qaaday Xuduudeheeda iyo shacabkeeda" ayaa lagu yiri Warsaxaafadeedka.

Hadaba, SSC Khaatumo oo dhankeeda ka jawaabtay sheegashada Somaliland 11 bishan, ayaa ku micnaysay sheegasho anay waxba ka jirin, oo ay Somaliland ugu gogol xaadhyso duulaan ay ku qaado Laascaanood.