7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 13, 2023
Faysal Cali Waraabe: Waa in aynu sharafteeni soo ceshanaa oo xuduudeenii tagnaa
 

Arbaco, September, 13, 2023 (HOL) - Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka Somaliland UCID Faysal Cali Waraabe, ayaa sheegay in ay muhiimtahay in Somaliland tagto xuduudii Ingriiska.

Waxa uu sheegay in xuduudihii isticmaarku u sameeyay qaarada Afrika, aan la badali karin, isla markaana ay sharci yihiin.

"Xuduudaha lama badali karo, sharciga Afrika wuxuu sheegayaa in xuduudaha Afrika ay yihiin kuwii isticmaarka, sharci inoo diidaya in aynu xuduudeenii tagna ma jiro" ayuu yidhi Faysal.

Waxa uu sheegay in Somaliland ahayd Soomaalidii ugu horaysay ee xornimo qaadata, isla markaana 35 dowladood ay aqoonsadeen wakhtigaa, waxa kale oo uu sheegay in dagaaladii Jamhuuriyadii Soomaalidu ku qaaday Itoobiya ay fashilmeen aduunkuna ka diiday in ay badasho xuduudii gumaystaha.

Waxa kale uu sheegay in waddamo badan oo Afrikan ah iyo carbeed xornimadii kadib ay isku biireen hadana ay kala noqdeen, taasi oo uu sheegay in midnimadii 1960kii anay ahayn mid muqadas ah.

Isaga oo ka hadlayay jabkii ciidanka Somaliland kasoo gaadhay dagaalkii 25 August, ayuu sheegay in khilaafkii siyaasadeed uu ciidanka saameeyay, taasi oo uu sheegay in hada laga gudbay, oo laysku raacay nidaam doorasho oo laysla ogolyahay.

"Waa in aan sharafteenii soo celinaa, xuduudeenii tagnaa, oo aynu ilaalinaa nabadgalyada dagaalka, oo maxaabiisbaa la qawr qawracayaa, waxa aynaan samayn, waligeena maynaan samayn" ayuu yidhi Faysal.