7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 13, 2023
Dowladda Fedaraalka oo shaacisay in xubno badan Al-shabaab looga dilay howlgalo ka dhacay Galgaduud
 

Arbaco, September, 13, 2023 (HOL) - Warsaxafadeed kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya ayaa lagu shaaciyay in 30 ka mid ah kooxda Al-shabaab lagu dilay howlgalo ay iska kaashadaan ciidanka dowladda iyo Saaxiibada Caalamiga ah oo ka dhacay gobolka Galgaduud.

Howlgalada ayaa la sheegay in ciidamada iskaashanaya ay ka fuliyeen deegaannada kala ah Dab Xagar, Dab Qurun, Oodaale iyo Ceel Sabaax oo ka kala tirsan magaalooyinka Wabxo iyo Ceel garas ee gobolka Galgaduud.

Howlgaladaan ayaa lagu beegsaday goobo ay ku dhuumaaleysanayeen kooxda Shabaab, islamarkaana lagu burburiyay qaraxyo iyo saanad kale oo ciidan oo ay kooxdu ku diyaarineysay goobaha lagu weeraray, sida lagu sheegay Warsafaxadeedka kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta.

Si kastaba ha ahaatee howlgalkaan ay shaacisay dowladda Soomaaliya ayaa kusoo beegmaya, iyadoo maanta howlgal dhinaca cirka ah oo ka dhacay inta u dhaxeysa deegaanada Ceel garas iyo Ceel lahelay ee gobolka Galgaduud lagu dilay horjooge iyo maleeshiyaad kale oo ka tirsana Al-shabaab.

Hoos ka akhriso Warsafaxadeed Wasaaradda Warfaafinta kasoo baxay oo dhameystiran:-