7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 13, 2023
Duqeyn lagu dilay horjooge iyo maleeshiyaad ka tirsan Al-shabaab oo ka dhacday gobolka Galgaduud
 

Arbaco, September, 13, 2023 (HOL) - Wararka ka imaanaya gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in duqeyn ka dhacday inta u dhaxeysa deegaanada Ceel garas iyo Ceel lahelay in lagu dilay xubno ka tirsan kooxda Al-shabaab oo isugu jira maleeshiyaad iyo horjoogahooda.

Duqeynta oo aheyd mid xoogan oo laga maqlay deegaano ka fog halka ay duqeynta ka dhacday ayaa la sheegay in lagu dilay horjooge magaciisa lagu sheegay Khaliif Gaambe iyo maleeshiyaad kale oo la socday, kuwaas oo aan tiradooda la shaacin inta ay dhan tahay.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Amniga maamulka Galmudug Cali Baashi Cabdulaahi Gacanbir ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in duqeyntaasi ay si wadajir ah u fuliyeen ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo saaxibada Caalamiga ah.

Wasiir Cali Baashi ayaa sidoo kale sheegay in xubnaha la duqeeyay ay wateen laba gaari oo Cabdile ah, islamarkaana uu hoggaaminayay Khaliif Gaambe oo uu tilmaamay inuu Al-Shabaab u qaabilsanaa deegaanada maamulka Galmudug.

Wararka waxay intaasi ku darayaan in horjoogaha iyo xubnaha la socday ee duqeynta lagu dilay iney abaabul ciidan ka wadeen nawaaxiga deegaanka Ceelgaras oo laba maalin ka hor ay la wareegaan ciidamada dowladda iyo kuwa dadka deegaanka.

Weerarkan duqeynta ah ayaa kusoo beegmaya, iyadoo deegaanada maamulka Galmudug gaar ahaan bariga gobolka Galgaduud uu ka socdo howlgalo culus oo ka dhan ah kooxda Shabaab.