7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 13, 2023
Wasaaradda gaashaandhigga oo sheegtay in la qaarijiyay madaxii Shabaab u qaabilsanaa maaliyadda gobolka Baay

Arbaco, September, 13, 2023 (HOL) - Wasaaradda gaashaandhigga Soomaaliya ayaa sheegtay in howlgal saakay ka dhacay degaano katirsan gobolka Baay lagu qaarijiyay madaxii kooxda Alshabaab u qaabilsan arrimaha maaliyadda ee gobolka Bay iyo saraakiil kale.

Wasaaradda gaashaandhigga waxay sheegtay horjoogahan inuu Shabaab u qaabilsanaa lacagaha baadda ee uu ka qaadi jiray tuulooyinka Cadegeow Garaar, Warta Doolar, Weley Bagaal, iyo Tuulooyinka Ey-Duraay ee gobolka Baay.

Wasaaaddu waxay sheegtay howlgalkan inuu ahaa dharbaaxo culus oo soo gaartay hawlaha sharci darrada ah ee Shabaabku ay ka wadaan gobolka Baay.

Dhinaca kale, howlgal ay si wada jir ah u fuliyeen ciidamada XDS iyo kuwa caalamiga ah ayaa lagu qaarijiyay 10 xubnood oo Shabaab ah, kuwaas oo ku shirsanaa agagaarka deegaanka Gumarka Cosobow Cali oo hoostaga degmada Ruun-Nirgod ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Gaari Noha ah oo laga soo buuxiyay walxaha qarxa ayaa sidoo kale lagu guuleystay in la burburiyo, sida ay sheegtay dowladdu

Dowladda Soomaaliya ayaa si dardar leh ku dagaalka ka dhanka ah Alshabaab, iyadoo taageere ka helaysa duqeymaha dhanka cirka ee ay fuliyaan saaxiibada caalamka.