7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 13, 2023
Al-shabaab oo qarxisay Ceel biyoodkii ugu weyna deegaanka Ceel garas ee gobolka Galgaduud

Arbaco, September, 13, 2023 (HOL) - Wararka ka imaanaya deegaanka Ceel garas ee gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in kooxda Al-shabaab ay qarax ku burburiyeen Ceel biyoodkii ugu weyna deegaankaas.

War kooban oo lagu baahiyay warbaahinta dowladda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in kooxdu qaraxa ku xirtay Ceel biyoodka ka hor inta aysan ka bixin deegaanka, islamarkaana uu ku dhintay qaraxaas qof shacab ah oo Ceelka biyo u soo doontay.

Deegaanka Ceel garas ee kooxdu ka qarxisay Ceel biyoodkiisii weyna ayaa ah mid laba maalin ka hor ciidamada dowladda iyo kuwa dadka deegaanka ay kala wareegeen kooxda Al-shabaab oo mudo badan halkaasi ka talineysay.

"Khawaarijta ayaa ka hor inta aanan lagala wareegin magaaladaan waxay ku xireen Qaraxyo dhammaan goobaha muhiimka ah inkastoo ciidanka dowladda markii ay galeen ay ka saareen Qaraxyo badan oo cadowgu ugu talagalay inuu ku dhagro Ciidanka Qaranka iyo Geesiyaasha dadka deegaanka" ayaa lagu yiri qoraalka lagu baahiyay warbaahinta dowladda.

Si kastaba ha ahaatee qaraxaan kooxda Shabaab ay ku burburiyeen Ceel biyoodkii deegaanka Ceel garas ayaa kusoo beegmaya, iyadoo kooxdu laba maalin ka hor ay dab qabad siiyay tuulooyin dhowr ah oo ku yaala gobolka Shabeellaha Hoose oo ay daganayeen dad shacab ah.