7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 13, 2023
Qarax Gaari loo adeegsaday oo ka dhacay koontarool ku yaala gudaha magaalada Muqdisho

Arbaco, September, 13, 2023 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax xoogan oo saakay ka dhacay degmada Deyniile ee magaalada Muqdisho, kasoo jugtiisa laga maqlay qaar ka mid ah degmooyinka gobolka Banaadir.

Qaraxaan ayaa la sheegay inuu ahaa mid loo adeegaaday gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa, kaasoo ka dhacay barkoontarool oo ay ku sugnayeen ciidamada Boliisa Milataare ee qeybta ka ah xasilinta amniga Caasimadda Muqdisho.

Wali si rasmi ah looma oga khasaaraha ka dhashay qaraxaan gaariga loo adeegsaday, waxaana qaraxa kadib la maqlay raas xoogan taasoo la sheegay iney fureen ciidamada ku sugna barta koontarool.

Ma jirto wax war ah oo kasoo baxay dhanka laamaha amaanka dowladda fedaraalka Soomaaliya oo ku aadan khasaaraha ka dhashay qaraxa saakay ka dhacay Deyniile.

Todobaadkii lasoo dhaafay ayay aheyd markii ciidanka dowladda ay ku fashiliyeen koontarool laga galo degmada Deyniile gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa, islamarkaana ay gacanta ku dhigeen ragii waday gaariga qarxay.