7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 13, 2023
Hay'adda NISA oo soo bandhigtay macluumaadka 7 katirsan horjoogayaasha Alshabaab oo la qaarijiyay
 

Arbaco, September, 13, 2023 (HOL) - Hay’adda Nabad Sugidda NISA ayaa shaacisay magacyada iyo sawirrada qaar ka mid ah horjoogeyaashii Shabaab ee lagu dilay hawlgalladii ugu dambeeyay oo ay fuliyeen ciidanka dowladda oo garab ka helaya Saaxiibada Caalamka.

War saxaafadeed ay soo saartay NISA ayaa lagu sheegay in hay'addu ay si dhaw ula socotay dhaq-dhaqaaqyada iyo xogta horjoogeyaasha hadda la dilay iyo kuwa kale ee wali baxsadka ah kuna dhuumaalaysanaya dhulka hawdka ah.

Horjoogayaasha ay soo bandhigtay hay'adda NISA waxaa lagu kala magacaabaa:

1. Sheekh Cabdullaahi waxa uu horjooge u ahaa Shabaabka deegaanka Number 50 ilaa iyo deegaanka Buufow ee gobalka Shabeellaha Hoose, waxaana lagu dilay hawlgalkii Awdheegle.

2. Cali Timajilic waxa uu ahaa horjoogaha Caafimaadka ee Alshabaab qaybta loogu yeero Jaylaani oo ka hawlgasha Gobalka Shabeellaha Hoose. Horjoogahan sida ay dowladdu sheegtay, waxa uu Alshabaab ku biiray 2012-kii.

Wixii ka dambeeyay 2017-kii ilaa iyo markii la khaarijiyay waxa uu ka hawlgalayay Shabeellaha Hoose. Waxaana lagu dilay hawlgalkii Awdheegle.

3. Bashiir Dheere waxa uu ahaa horjoogaha Shabaabka ka hawlgala aagga Buula-mareer waxa uuna si gaar ah u hogaaminayay kooxda ay ugu yeeraan Macalin Salaxay, waxaa lagu dilay hawlgalkii Awdheegle.

4. Cabdiqafaar oo loo yaqaano macalin Nadaara waxaa uu Alshabaab ku biiray 2009 waxa uu qayb ka soo ahaa Jabhadaha Muqdisho gaar ahaan qaybta dilalka, ka dib waxaa lagu daray qaybta ay ugu yeeraan jugta culus ee weerarada qaada.

Hadda waxa uu ahaa sida ay NISA sheegtay, horjooge xagga marin baabinta u qaabilsanaa Alshabaabka ku sugan Gobalka Shabeellaha Hoose, waxaa lagu dilay hawlgalkii Awdheegle.

5. Shaaciye Maxamed Cali oo loogu yeeri jiray Kufridiid, waxa uu ahaa horjooge dhinaca waxyaabaha qarxa ah oo ka hawlgala jiray gobalka Shabeellaha Hoose, waxaa lagu dilay hawlgalkii Awdheegle.

6. Sakariye Maxamed Bashiir oo loo yaqaanay cadnaan ama Sandheere, 2011-kii ayuu Alshabaab uga biiray Muqdisho waxa uu inta badan kasoo shaqeyay qaybta ay ugu yeeraan jugta culus.

Jagooyinka uu soo qabtay Horjoogahan waxaa ka mid ah waxa ay ugu yeeraan khanaasinta, sidoo kale waxa uu soo noqday Horjoogaha Diiwaanka Jugta culus ee Gobalka Shabeellaha Hoose.

Haatan waxa uu ahaa ku xigeenka horjoogaha qaraxyada Shabeellaha Hoose, waxaa lagu dilay hawlgalkii Awdheegle.

7. Horjooge Axmed Cali Daahir Shuuke, waa nin muddo dheer ku soo jiray Alshabaab hawlo kala duwanna ka soo qabtay laakiin hadda waxa uu qayb ka ahaa horjoogeyaal loo xilsaaray in ay kiciyaan bulshada si ay Alshabaab u helaan dhallinyaro kale oo u dagaalanta.

Horjoogahaan ayaa lagu dilay hawlgal ka dhacay meel u dhow deegaanka Bulacle ee gobalka Galgaduud.