7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 13, 2023
Galmudug oo sheegtay in Shabaabku afduubteen dadkii ku sugnaa dhulka laga xoreeyay

Arbaco, September, 13, 2023 (HOL) - Maamulka goboleedka Galmudug ayaa sheegay in kooxda Alshabaab ay afduubteen dadkii shacabka ahaa ee ku noolaa degaanadii dhawaan laga xoreeyay ee gobolka Galgaduud.

Wasiiru dowlaha wasaaradda caafimaadka Galmudug, Daahir Faarax  fiidow oo warbaahinta dowladda la hadlay ayaa nasiib darro ku tilmaamay in muddo 7 cishe ka badan ay haawanayaan degaanadii laga saaray Alshabaab.

Wasiiru dowluhu wuxuu sheegay, Alshabaab inay horey usii kaxaysteen dadkii shacabka ahaa si ay gaashaan uga dhigtaan weerarada duqeymaha.

Wuxuu tusaale usoo qaatay degaanka Ceel la helay oo uu ku sugan yahay wasiirka gaashaandhigga iyo madax kale. Wuxuu sheegay inay cidlo tahay oo ay dadkii joogay horey usii kaxaysteen Alshabaab.

Wuxuu ugu baaqay dadku inay guryahooda kusoo laabtaan oo ay kasoo fogaadaan goobaha Alshabaab ay ku sugan yihiin, si aanay waxyeelo ugasoo gaarin weerarada lagu bartilmaameedsanayo.