7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 12, 2023
War murtiyeed laga soo saaray shir siyaasiyiinta kasoo jeeda Koonfur Galbeed ugu soo gabagaboobay Nairobi

Talaado, September, 12, 2023 (HOL) - Waxaa maanta magaalada Nairobi ee dalka Kenya uu shir ugu soo gabagaboobay qaar ka mid ah Siyaasiyiin kasoo jeeda maamulka Koofur Galbeed oo halkaasi shir ku lahaa labadii maalmood ee lasoo dhaafay.

Siyaasiyiintaan ayaa shirkooda kasoo saaray warmurtiyeed ka kooban dhowr qodob oo qaarkood dhaliilo adag ay ugu jeediyeen maamulka Koonfur Galbeed.

Qodobada ugu muhiimsan ee war murtiyeedka kasoo baxay shirka siyaasiyiinta Koonfur Galbeed ayaa waxaa ka mid aha in maamulka Koofur Galbeed oo ay ku dhaliileen inuusan fulin heshiiskii 4-tii Febraayo  ee sanadkan ka dhacay Baydhabo iyo dardar galinta dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab.

War murtiyeedka qodobada kasoo baxay ayaa waxaa sido kale ka mid ahaa in dowladda fedaraalka loogu baaqay iney dadajiso howlgalada Al-shabaab looga xureynayo deegaanada Koonfur Galbeed, islamarkaana dadka deegaanka loo abaabulo sida deegaanada kale looga abaabulay.

Siyaasiyiintaan kasoo jeeda Koonfur Galbeed waxay sidoo kale ku dhaliileen maamulka Koonfur Galbeed inuu ku tuntay dhowrista qodobo Dastuuri ah oo ay ugu horeeyaan xuriyada isku socodka iyo hadalka  waxayna dowladda Federaalka ugu baaqeen iney wax ka qabato cabadaha jira Koonfur Galbeed.

Hoos ka akhriso War murtiyeedka oo faahfaahsan:-