7/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 12, 2023
Galmudug oo si adag uga jawaabtay eedeyn kaga timid dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya
 

Talaado, September, 12, 2023 (HOL) - Maamulka Galmudug ayaa beeniyay eedeymo kaga yimid hogaanka nabadgalyada ee dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya oo la xariirta in Galmudug ay ku lug laheyd dagaal ka dhacay degmada Shilaabo ee gobolka Qoraxey.

Dagaalka ka dhacay degmada Shilaabo ee lagu eedeeyay in Galmudug ku lug laheyd ayaa la sheegay iney ku dhinteen 12 ruux.

Wasiirka Warfaafinta maamulka Galmudug Abshir Cabdi Sheekhoow oo la hadlay BBC-da ayaa sheegay in dagaalka ka dhacay Shilaabo uu ahaa mid u dhaxeeyay dad wada degan Dowlad deegaankaSoomaalida.

Wuxuu sidoo kale sheegay aysan jirin ciidamo ka tirsan Galmudug oo u talaabay xaduudka ay la wadaagaan dhanka dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya.

"Anaga waxaan kala socono malahan dagaalka halkaas ka dhacay, mana jirto wax xiriir gaar ah oo ay nagala soo sameeyen maamulka dowlad deegaanka eedeymaha uun baa aragnay, mana jirto ciidan Galmudug ah xadka Itoobiya u talaabay, eedelaasina waa arin ay ku fududaadeen maamulka deegaankaas"ayuu yiri Wasiir Abshir.
    
Hoggaanka Nabadgalyada ee Dowlad degaanka Soomaalida Dayib Axmed Nuur ayaa Waraysi uu siiyay Warbaahinta ku sheegay in habeennimadii Axadda ahayd ee lasoo dhaafay dablay hubaysan ay weerar kusoo qaadeen tuulo hoos tagta deg. Shilaabo ee degaanka Soomaalida, halkaas oo lagu dilay 12 qof oo isugu jira shacab iyo ciidamo dowladeed, weerarkan oo dowlad degaanku ku sheegay in dadkii fuliyay ay kasoo tallaabeen dhinaca Soomaaliya ayaa waxaa eedaas beeniyay maamulka Galmudug Soomaaliya.