7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 12, 2023
Puntland oo sheegtay inay ku raad joogto soo qabashada dadkii ka dambeeyay dilka dhaqtar lagu dilay Gaalkcyo
 

Talaado, September, 12, 2023 (HOL) - Guddoomiyaha gobolka Mudug ee dhinaca Puntland, Feysal Sheikh Cali (Jife jabsade) ayaa sheegay inay ku raad joogaan dadkii ka dambeeyay dilka dhaqtar caan ah oo dhawaan lagu dilay magaalada Gaalkacyo.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in la aqoonsaday ninkii dilka geystay, kaasoo uu sheegay inuu magaalada ka baxsaday markii uu falka geyastay, wuxuuna sheegay inay ku daba jiraan oo ay kasoo qaban doonaan meel kaste oo uu galo.

Guddoomiyuhu wuxuu sheegay in go’aankii ay gaareen Isimada gobolka Mudug lagu xukumidoono qofkii qof dila. Wuxuu sheegay aanooyinka qabiilka inay mushkilad weyn ku noqdeen nabad galyada magaalada Gaalkacyo.

Dhinaca kale, magaalada Gaalkacyo ayaa laga dareemayaa xiisad kacsanaan ah oo ka dhalatay dilka Dr. Sakariye Cabdi Jaamac, waxayna taasi keentay dadku inay aad u qataan hubka fudud, si looga digtoonaado beegsiga aanooyinka qabiilka.

Dad badan ayaa magaalada uga cararay dilalka aanooyinka qabiilka, kuwaas oo cabsi ka muujiyay in loo beegsado qabiilkooda awgeed.

Dadka shacabka ee ku nool Gaalkacyo ayaa aaminsan haddii qofkii qof dila la qisaaso ay joogsan lahaayeen dilalka aanooyinka.

Gaalkacyo oo ay ka istaageeen dilalka Shabaabka ka geysan jireen, ayaa hadda waxaa beddelay dilalka aanooyinka la xiriira.