7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 12, 2023
Ciidamada dowladda iyo kuwa dadka deegaanka oo kaabiga ku haya deegaanka Wabxo

Talaado, September, 12, 2023 (HOL) - Ciidamada dowladda Fedaraalka Soomaaliya oo kaashanaya kuwa dadka deegaanka ee loo yaqaano macawiisleey ayaa lagu soo waramaya iney kaabiga ku hayaan deegaanka Wabxo ee gobolka Galgaduud.

Ciidamadaan oo aad u hubeysan ayaa ka dhaqaaqay degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan, kuwaas oo ku baxay jihooyin dhowr ah oo gala deegaanka Wabxo oo ay haatan ku sugan yihiin kooxda Al-shabaab.

Saraakiil ka tirsan ciidamada ku wajahan deegaanka Wabxo oo aan la hadalnay ayaa inoo sheegay in qorshaha ciidanka uu yahay in saacadaha soo socda la wareegaan deegaanka Wabxo iyo deegaano kale oo hoostaga degmada Ceelbuur.

Si kastaba ha ahaate ciidanka dowladda iyo kuwa deegaanka ayaa horay ula wareegay deegaanka Waxbo iyo meelo kale oo ay ka mid aheyd degmada Ceelbuur, hayeeshe maalmo kooban ay ku sugnayeen deeganadaasi dib uga soo baxeen, iyadoo dowladda Soomaaliya kasoo bixitaankaasi ku sheegtay iney aheyd xeelad dagaal.