7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 12, 2023
Al-shabaab oo madaafiic ku weerartay deegaanka Ceel lahelay ee gobolka Galgaduud

Talaado, September, 12, 2023 (HOL) - Xubno ka tirsan kooxda Al-shabaab ayaa Xalay weerar madaafiic ay u adeegsadeen ku qaaday deegaanka Ceel lahelay oo ka mid ah deegaanada hoostaga degmada Dhuusamareeb ee Caasimadda maamulka Galmudug.

Kooxda ayaa tiro madaafiic ah ku garaacday fariisimaha ciidanka dowladda iyo kuwa dadka deegaanka ku leeyihiin deegaanka Ceel lahelay, hayeeshe lama sheegin wax khasaare ah oo ka dhashay madaafiicdaas.

Saraakiil ka tirsan ciidanka huwanta ah ee ku sugan Ceel lahelay ayaa dhankooda sheegay in madaafiicda ay ku dhaceen dhul banaan, islamarkaana aysan jirin cid wax ku noqotay.

Deegaanka Ceel lahelay ee Xalay Al-shabaab hoobiyaasha ku weerartay ayaa ah mid dhawaan ciidanka dowladda iyo kuwa dadka deegaanka ay kala wareegeen kooxda Shabaab oo halkaasi ka talin jirtay mudo dheer.

Si kastaba ha ahaatee weerarkan hoobiyaasha ah ee kooxdu ku qaaday Ceel lahelay ayaa kusoo beegmaya, iyadoo shalay deegaanka ay booqdeen madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Cabduqaadir Maxamed Nuur iyo taliyaha hayƔdda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka Mahad Maxamed Salaad, iyagoona Xalay dib ugu laabtay magaalada Dhuusamareeb.