7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 11, 2023
Raysal wasaare Xamse oo Maanta Daah furay laba Mashruuc oo muhiim u ah Caafimaadka dalka
 

Isniin, September, 11, 2023 (HOL) - Raysal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa maanta magaalada Muqdisho ka daah furay labo mashruuc Caafimaad oo kala ah Damal Caafimaad iyo Tallaalka COVID-19 oo laga hirgelin doono qaar ka mid ah gobollada dalka.

Rayaal wasaare Xamse ayaa sheegay in mashaariic daan ay kusoo aadeen waqti baahi weyn loo qabo, islamarkaana deegaano badan oo muddo dheer ay maamulayeen kooxda Al-shabaab ah oo baahi weyn looga qabo adeegyada kala duwan ee dowladda la gaarsiin doono.

Wuxuu sidoo kale xusay Raysal wasaaraha in mashaariicdaan ay wax badan ka badali doonaan marka la hirgaliyo baahiyaha Caafimaad ee ka jira inta badan gobolada dalka.

"Mashruucaan oo mudo dheer soo jiitamaayay oo ay dadkeena baahi weyn u qabeen oo is jiid jiid dheer kadib fool dheer kadib Wasaaradda maanta ayay dhashay aad ayaan ugu faraxsanahay in mashruucaan daah furano, waxaana rajeyna in dadkeenu ay ka wada faa'ideysan doonaan" ayuu yiri Raysal wasaare Xamse Cabdi barre.

Raysal wasaaraha Xukuumadda fedaraalka ayaa sidoo kale ku amaanay Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya, sida ay mudnaanta u siineyso bixinta adeegyada Caafimaadka ee muhiimka u ah dadka Soomaaliyeed.

"Xukuumadda DanQaran waxaa ka go’an inay maalgeliso oo dhiirri geliso caafimaadka maadaama uu aasaas u yahay nolosha bulshada, annagoo xoogga saarayna sidii aan u gaarsiin lahayn deegaannada laga xoreeyey Khawaarijta adeegyada caafimaadka" ayuu yiri Raysal wasaare Xamse Cabdi Barre.

Mashaariicdaan uu maanta daah furay Raysal wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa la sheegay iney ku baxayaan lacag dhan labo boqol oo Milyan oo doolar, kaasoo ay fulineyso dowladda Soomaaliya.

Gabagabadii Raysal Wasaare Xamse ayaa si cad u sheegay in lagula xisaabtami doono  mashaariicdaan hay’adaha hirgelinaya si loo xaqiijiyo miro dhalka mashaariicdaan.