7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 11, 2023
SSC Khaatumo oo Somaliland ku eedaysay in ay qorshaynayso dagaalo hor leh
 

Isniin, September, 11, 2023 (HOL) - Qoraal kasoo baxay SSC Khaatumo ayaa lagu sheegay in Somaliland ay qorshaynayso dagaalo ay ka fuliso deegaanada SSC.

Qoraalkan oo jawaab u ah qoraal ay daraad xukuumada Somaliland ku sheegtay in ay ogaatay in boqolaal dagaalyahan oo argagixiso ah ay Laascaanood soo galeen, ayaa lagu sheegay in Somaliland ay hadalkeeda ugu gogol xaadhayso weeraro cusub.

"SSC Khaatumo waxa ay fahantay in Somaliland qoraalkii u danbeeyay ay ugu gogol xaadhaysay weeraro ay ka fuliso deeganada SSC, taasi oo hadii ay dhacdo ay SSC Khaatumo kaga jawaabi doonto talaabo ku haboon" ayaa lagu yidhi qoraalka.

SSC Khaatumo qoraalkan waxay ku tilmaantay mid aanay waxba ka jirin, iyo wax lagu qoslo, iyada oo sheegtay in qoraalka shalay aanu ka duwanayn qoraalo ay hore usoo saartay Somaliland oo ay ku tilmaantay been abuur.

SSC Khaatumo waxa ay sheegtay in Somaliland looga fadhiyo in ay caddayso halka 600 ee argagixisada ahi ay kasoo galeen magaalada Laascaanood, waxayna intaa ku dartay in Somaliland ay masuuliyadeeda qaadi doonto hadii ay wax talaabo ah qaado.