7/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 11, 2023
Labo Xildhibaan oo Galmudug ah oo ku geeriyooday qarax miino oo ku haleelay Ceel Garas
 

Isniin, September, 11, 2023 (HOL) - Xildhibaan Maxamed Maxamuud (Maxamed yare), oo ka tirsanaa Baarlamaanka Galmudug iyo Cabdullaahi Ibraahim, oo ka tirsanaa Golaha deegaanka Caasimadda Galmudug ee Dhuusamareeb ayaa ku dhintay qarax ka dhacay Deegaanka Ceel-garas ee Galgaduud.

Labada xildhibaan ayaa muddooyinkii ugu dambeeyay waxay qeyb ka ahaayeen gulufka colaadeed ee Alshabaab looga xoraynayo degaanada Galgaduud, waxayna la socdeen ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.

Maamulka Galmudug ayaa sheegay xildhibaanadan inay u geeriyoodeen iyagoo ku jira waajibaadka xoraynta degaanadooda. Wuxuu maamulku sheegay geeridoodu inay horseeday xoraynta magaalada istaraatiijiga ee Ceel Garas.

Dhinaca kale, wasaaradda gaashaandhigga Soomaaliya ayaa ayaa xaqiijisay Ciidamada Xoogga Dalka oo garab ka helaya kuwa deegaanka ay si buuxda ula wareegeen gacan ku heynta deegaanka Ceel Garas ee Gobolka Galgaduud.

Ciidamada Dowladda iyo kuwa degaanka ayaa howlgallo nadiifin ah kawada hareeraha magaalada, iyadoo la sheegay in kooxda Alshabaab ay isaga carareen markii ay ciidamadu dhinacyada ka hareereeyeen.

Wasaaradda gaashaandhiggu waxay sheegtay qabashada Ceel Garas in astaan u tahay guusha weyn ee laga gaaray dagaalka lagula jiro kooxda Alshabaab.