7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 11, 2023
Dawladda Soomaaliya oo bilowday mashruuc ku kacaya $11.4 Milyan oo Lagu xoojinayo daryeelka degdegga ah
 

Isniin, September, 11, 2023 (HOL) - Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa daah-furtay mashruuc cusub oo looga gol leeyahay in lagu xoojiyo adeegyada degdegga ah ee caafimaadka ee isbitaallada heer federaal iyo heer dowlad goboleed.

Miisaaniyad dhan $11.4 million, ayuu Bangiga adduunku ku maalgalinayaa mashruucaan oo kusoo beegmay iyadoo nidaamka caafimaad ee dalka uu la tacaalayo dhibaato badan.

Mashruucan oo loogu magac daray ‘Xoojinta Adeegyada Degdegga ah ee Caafimaadka ee Cisbitaallada Federaalka iyo Gobolka’ waxaa la soo marsiin doonaa hay’adda Qaramada  caafimaadka adduunka (WHO).

“Waxaan bilownay shaqo muhiim ah oo lagu xoojinayo daryeelka caafimaadka degdega ah ee Soomaaliya anagoo adeegsanayna Mashruuca Soo kabashada Dhibaatada Soomaaliya. Marka la tayeeyo tashiilaadka, tababarka shaqaalaha iyo isku xirka adeegyada caafimaadka, waxaan dhiseynaa awood waarta si aan uga jawaabno dhibaatooyinka caafimaadka iyo u adeegidda muwaadiniinta dalka oo dhan. Taageeradan waxay saameyn weyn ku yeelan doontaa nidaamka daryeelka caafimaadka Soomaaliya hadda iyo mustaqbalkaba." Cabdi Tawane oo ah Maamulaha Mashruuca ka soo kabashada dhibaatooyinka Soomaaliya ayaa sidaas yiri.

Dowladda Soomaaliya waxay sheegtay, mashruucaan inuu yahay barnaamij dhammaystiran oo taageeraya ka soo kabashada masiibooyinka iyada oo kor loo qaadeyo u adkaysiga mustaqbalka.  

Mashruucu waxa uu ujeedkiisu yahay in uu seeska u dhigo daryeelka caafimaad ee dalka oo dhan iyo in la taageero xuquuqda aasaasiga ah ee caafimaadka dhammaan Soomaalida marka lagu jiro xaaladdan adag.