7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 11, 2023
Ciidamada Huwanta oo Maanta la wareegay deegaano ka tirsan gobolada Galgaduud iyo Shabeellaha Dhexe
 

Isniin, September, 11, 2023 (HOL) - Ciidamada dowladda Fedaraalka Soomaaliya oo kaashanaya kuwa dadka deegaanka ayaa goordhaw si buuxda ula wareegay gacan ku heynta deegaanka Ceel garas ee gobolka Galgaduud.

Ciidamada is garabsanaya ayaa la tilmaamay in si nabad ah kula wareegeen deegaanka Ceel garas, kadib markii halkaasi saacado ka hor isaga baxeen kooxda Al-shabaab.

Wararka waxay intaasi ku darayaan in ciidanka  haatan ay ka wadaan gudaha iyo hareeraha deegaanka howlgalo ay ku xaqiijinayaan amaanka.

Dhinaca kale ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ayaa sidaan oo kale si nabad ah kula wareegay gacan ku heynta tuulooyinka Cadcadeey iyo Cadaan laxeey oo ka mid ah tuulooyinka hoostaga deegaanka Ruunirgood ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Qabsashada deegaanadaan ay Maanta la wareegeen ciidamada Huwanta ah ayaa kusoo beegmaysa, iyadoo dowladda Fedaraalka ay wado abaabulkii ugu dambeeyay ee Shabaab looga saarayo deegaanada ay kaga sugan yihiin gobolada Galgaduud, Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.