7/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 11, 2023
Jenaraal Ciro "Shacaboow hadaad Shabaab kusii dhex jirtaan dhibkii idin gaara idinka ayaa isku geystay"
 

Isniin, September, 11, 2023 (HOL) - Taliye ku xigeenka ciidanka Lugta xoogga dalka Soomaaliyeed Jeneraal Cabdullaahi Aaden Xuseen Ciro oo ka hadlay howlgalada ka dhanka kooxda Al-shabaab ayaa ugu baaqay  Shacabka Soomaaliyeed iney ka fogaadaan goobaha ay ku sugan yihiin Al-shabaab.

Jenaraal Ciro ayaa sheegay in qeybaha kala duwan ee ciidamada qalabka sida iyo kuwa deegaanka ay diyaar u yihiin ciribtirka Shabaab, islamarkaana dadka loo baahan yahay iney ka dheeraadaan xarumaha Shabaab si aysan waxyeelo u soo gaarin.

"Shacaboow waxaan idin leeyahay isaga dheerada meelaha Shabaab joogaan, dadkaas waa kuwa la beegsanay, waa la duqeyna bad iyo dhulba waa lagu beegsanaya ee hadad kusii dhex jirtaana dhibkii idin gaara idinka ayaa isku geystay shacaboow taas ogaada" ayuu yiri Taliye ku xigeenka ciidanka Lugta xoogga dalka Jeneraal Cabdullaahi Aaden Xuseen Ciro.

Taliyaha ayaa sidoo kale xusay in kooxdu ay ku harsan yihiin dhul kooban oo ay ku dhuulameysanayaan, islamarkaana ciidanka ay uga daba tagayaan meel kasta oo ay tagaan.

Hadalkaan kasoo yeeray Taliye ku xigeenka ciidanka Lugta xoogga dalka Soomaaliyeed Jenaraal Ciro ayaa kusoo beegmaya, iyadoo todobaadkan gudahiisa duqeyn xubno ka tirsan Al-shabaab lagula eegtay gobolka Galgaduud ay ku dhinteen dad shacab ah.