7/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Sept 1 , 2023
Jabhada Gacanlibaax oo ku gacansaydhay heshiiskii siyaasadeed ee Somaliland
 

Jimco, September, 1, 2023 (HOL) -  Jabhada Gacanlibaax ayaa ku gacansaydhay in ay aqbasho heshiiskii siyaasadeed ee laga gaadhay khilaafka siyaasada Somaliland, iyo heshiiskii jabhada buurta lagaga soo dajinayay.

Hoggaamiyaha jabhada oo loo yaqaan Oofwareen ayaa sheegay in aanu cidna ka amarqaadanayn, isla markaana uu u qorshaynayo in uu weeraro madaxtooyada Somaliland iyo guriga madaxweyne Muuse Biixi hadii uu iscasili waayo.

"Anagu ma baryayno ilaa oo aanu gacanta kusoo dhigno Muuse Saamiri, iyo gabaaraydiisa, ma miyirsanayno, xukuumadaasi haday iscasili waydo ciidankayga waanu soo dhaqaajinaynaa gurigiisa iyo madaxtooyada ayaanu ku habsanaynaaye hala ogaado" ayuu yidhi Oofwareen.

Waxa uu sheegay in ciidamada millateriga ay laba uuni u banaantahay in ay isku dhiibaan ciidanka SSC iyo in ay isku soo dhiibaan jabhadiisa, wuxuuna ciidamada SSC ka codsaday in anay dagaalka joojine ay soo weeraraan millateriga.

Qayb ka mid ah heshiiskii siyaasadeed ee dhawaan laga gaadhay murankii siyaasadeed ayaa farayay in beesha uu Oofwareen kasoo jeedaa ay jabhada buurta kasoo dajiso taasi oo ay odayaasha beeshiisu aqbaleen.

Hadalka Oofwareen ayaa ka dhigan in uu gabi ahaanba diiday heshiiskii ay beeshiisu qaadatay, waxa uuna sheegay in cidii isaga ka amar qaadan wayda uu dilayo.