7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Sept 1 , 2023
Dad ku dhaw 20 qof oo ku dhintay colaad ka taagan deegaanka Ceel-afwayn ee gobolka Sanaag

Jimco, September, 1, 2023 (HOL) -  Dad u dhexeeya 18 ilaa 19 qof ayaa ku nafwaayay colaad u dhaxaysa laba beelood oo wada daga degmada Ceel-afwayn ee gobolka Sanaag.

Xukuumada Somaliland ayaa ergooyin kala duwan u dirtay deegaanka tan iyo markii ay colaadu bilaabantay, sidookale golaha guurtida ayaa guddi u saaray xalinta colaada soo noqnoqotay, dhinaca kale odayaasha dhaqanka ee labada beelood ayaa ku baaqay xabad joojin.

Waftiga xukuumada Somaliland ee ku sugan deegaankan colaadu ka taagantahay, ayaa amar ku bixiyay in dhamaan dhinacyadu hubka dhigaan, iyada oo ciidamada lagu amray in ay talaabo ka qaadaan cidkasta nidaam ciidan u baabulan ama qori lagu qabto.

Colaada Ceel-afwayn ayaa ah xasarad beeleeda ugu cimriga dheer ee soo marta deegaanada Somaliland, iyadoo markasta oo la xaliyo ay hadana soo noqoto.

Madaxdhaqameedka Somaliland ayaa dhankooda sheegay in ay safar ugu bixi doonaan deegaankan, si ay xal ugu raadiyaan colaada.