7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Sept 1 , 2023
Madaxweyne Cali Guudlaawe: Dhaqamada Shabaab meelna kama soo galaan islaamka
 

Jimco, September, 1, 2023 (HOL) - Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Cali Guudlaawe ayaa sheegay in kooxda Alshabaab ay leeyihiin dhaqamo iyo sifooyin aan diinta suuban ee islaamka meelna kasoo galin.

Madaxweyne Guudlaawe oo bulshada kula hadlayay degaanka Daaru Nicmo, wuxuu sheegay, Shabaabku degaanada ay muddada dheer haysteen inay ku xukumayeen xukunno diinta kasoo horjeeda oo jeebkooda kalasoo baxeen.

Cali Guudlaawe waxa uu sheegay, Shabaabku magaalo kaste oo ay ka baxeen inay qaraxyo ku burburiyeen goobihii danta guud ee bulshada loogu adeegayay iyo goobihii cibaadada.

Madaxweynuhu waxa uu tusaale usoo qaatay sida ay Alshabaab u burburiyeen masaajidkii weynaa ee kuyaalay degaanka Daaru Nimco ee gobolka Shabeellada dhexe.

“Waxaad arkaysiin diineey sheeganayaan. Dad ay masaajidka ugusoo galaanay ku dilaayaan iyagoo kitaabka aqrinaya. Maantana waad arkaysaan waxaan joognaa masaajidkii Daaru Nicmo. Masaajidkaas waa lagu cibaadaystaa. Waxaad arkaysiin inay baabi’iyeen oo ay qarax ku dhifteen. Haddii baytka ilaaheey la duminayo, haddii baytkii ilaaheey wax lagu dilayo, dhaqankaas waa dhaqan gaalo,” ayuu yiri madaxweyne Guudlaawe.

Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa sheegay in la joogo waqtigii lasoo afjari lahaa Shabaab. Wuxuu sheegtay meel kaste in looga yimid. Wuxuu sheegay dhammaan degaanada laga saaray in loo diyaariyay qorshihii lagu horumarin lahaa.