7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 7 , 2023
Faysal Cali Waraabe: Laascaanood sida ugu dhakhsaha badan ayaa loogu soo celinayaa gacanta Somaliland
 

Sabti, October, 7, 2023 (HOL) - Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka Somaliland ee UCID Faysal Cali Waraabe, ayaa safarka Hoggaamiyaha SSC-Khaatumo Cabdiqaadir Firdhiye ee Muqdisho ku tilmaamay mid aan waxba soo kordhin doonin.

Sida ay baahisay idaacada BBC Somali Guddoomiyaha ayaa sheegay in safarka Firdhiye, aanu Laascaanood Somaliland ka goyn doonin, isla markaana uu yahay uun nin Soomaaliyeed oo dhul Soomaaliyeed tagay.

“Horta annagu ma aaminsanin wax la yiraahdo SSC, reer Laascaanood waa beel kamida beelaha dega Somaliland, marka ay ay noqoto safarka ninka la sheegay in uu yahay hoggaamiyahana, waa nin Soomaaliyeed oo tagay dhul Soomaaliyeed, in Laascaanood la yiraahdo waxaa lagu darayaa dal kale waa waxba kama jiraan” ayuu yidhi Faysal Sida BBC Somali qortay.

Waxa uu sheegay in Laascaanood sida ugu dhaqsiyaha badan ay Somaliland gacanteeda ugu soo  celinayso "Waxaa lasoo celinayaa kala dambeyntii iyo sidii ay ahayd, waxaa lagusoo celinayaa xoog iyo dagaal ama wadahadal hadba kii noo suura gala ayaa lagusoo celinayaa haddii ay ka bixi waayaan dadka shisheeyaha ah ee kusoo duulay mana oggoolaan doonno in deegaan Somaliland ay leedahay lagu daro dal kale”.

Guddoomiyuhu waxa uu sheegay in anay suuragal ahayn in Laascaanood ay Somaliland ka maqnaato, isla markaana waxa uu u digay madaxda Puntland ee safarada ku yimaada magaalada.