7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 7 , 2023
Rasaas xoogan oo laga maqlay magaalada Ceerigaabo
 

Sabti, October, 7, 2023 (HOL) - Israsaasayn xoogan ayaa dhexmartay booliiska Somaliland iyo kooxo hubaysan oo la sheegay in ay isku dayeen in ay furtaan dhallinyaro la xidhay.

Rasaas xoogan ayaa caawa fiidkii in muddo ah ka socotay magaalada Ceerigaabo ee gobolka Sanaag, sida dad ku sugan magaaladu sheegeen rag hubaysan ayaa weeraray saldhig ay ku xidhnaayeen rag lagu soo qabtay khamri.

Ilaa hada lama oga khasaaraha dhabta ah ee ay sababtay israsaasaynta caawa magaalada ku dhexmartay dhinacyada dagaalamay, lakiin xaalada magaalada ayaa la sheegaya in ay hada dagantahay.

Sidookale, dhallinyaro kasoo horjeeday xadhiga raga la sheegay in ay ku lug lahaayeen ka ganacsiga maandooriyaha, ayaa dhagaxaan ku jaray qaar kamid ah wadooyinka magaalada.