7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 7 , 2023
Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo ku dhawaaqay wajiga labaad ee dagaalka Al-shabaab

Sabti, October, 7, 2023 (HOL) - Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa maanta shir gudoomiyey kulan looga hadlayey u diyaar garowga wajiga labaad ee dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-shabaab oo ka bilaaban doona deegaanada maamulkaas.

Shirka ayaa waxaa ka qeybgalay Taliyaha ciidanka Asluubta, Taliye ku xigeenka ciidanka Xooga dalka, gudoomiyaasha Maxkamada ciidamada Qalabka sida iyo saraakiisha ciidamada qeybahooda kala duwan ee ka howlgala guud ahaan deegaanada Koonfur Galbeed.

Madaxweyne Lafta gareen ayaa shirka ka sheegay in si toos ah uu u bilaabanayo dagaalka Al-shabaab looga xureynayo deegaanada ay kaga sugan yihiin Koonfur Galbeed.

"Waa soo dhamaaday in difaac looga jiro kooxda Shabaab, maanta laga bilaabo waxaa bilaabanaya dagaal fadhi dambe ma jiri doono waa inaan cadawga iska xureyna oo aan isaga dulqaadno sida reer Hirshabeelle iyo Galmudug isaga saareen" ayuu yiri Madaxweyne Laftagareen.

Wuxuu sidoo kale sheegay madaxweynaha Koonfur Galbeed in loo baahan yahay in loo midoobo dagaalka lagu ciribtiraayo kooxda Shabaab oo haatan maraya heer gabagabo ah .

"Waxaa loo baahan yahay in sida shacabka iyo dowladda ay ugu istaageen dagaalka Shabaab looga xureeyay Galmudug iyo Hirshabeelle inaan u midowno oo deegaanadaas dhibaatada ay shabaab ku hayeen mid ka daran anaga ayay nagu hayaan waa inaan iska sifeyna ee halo diyaar garoowo dagaalka Shabaab iska fadhi iyo is difaacis dambe ma jireyso" ayuu yiri madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen

Gabagabadii Madaxweyne Cabdicasiis Laftgareen ayaa faray Taliyeyaasha iyo Saraakiisha ciidanka ee kulanka ka qeybgalay in maanta wixii ka dambeeya uu bilaabanayo dagaalka deegaanada Koonfur Galbeed looga saarayo Al-shabaab, islamarkaana maalmaha soo socda ay kusoo biirayaan ciidamo dowladda Fedaraalka u diyaarisay dagaalka ka dhanka ah Shabaab.